Kiraystayaasha dakhligoodu hooseeyo ee wajahaya in guri laga saaro Gobolka Washington dhexdiisa waxay heli karaan caawimaad sharci oo lacag ah. Haddii kiiskaaga guri ka saarista maxkamad gaaro dakhligaaguna hooseeyo, waxaad xaq u leedahay qareen lacag la’aan ah.
Waxa kaloo xaq sharciyeed u leedahay inaad hesho turjubaanka luuqadaada.
Xuquuqahaan waxay gacan ka geystaan in si siman loo kala saaro mulkiilayaasha iyo kireysteyaasha marka la joogo maxkamadda: dalka oo dhan, kireysteyaasha waxaa la matalaa muddo yar, halka mulkiilayaasha had iyo jeer u badan tahay inuu mu metelo qareen maxkamadda gudaheeda.
Hel caawimaad sharci oo lacag la’aan ah. Xaq ayaad u leedahay — waxaa ilaaliya sharciga. Ma ahan inaad wajahdo mulkiilaha gurigaaga keligaaga.
Sida Loo Bilaabo
Ku buuxi foomka onlaynka ah Af Ingiriisi ama Isbaanish ama ka wac khadka Iska Caabinta Guri Ka Saarista lambarka 1-855-657-8387. Turjumaanno ayaa loo heli karaa luuqadaha oo dhan.
Waxaa lagaa codsan doonaa inaad bixiso:
- Xogta xiriirka oo ay ku jiraan magacaaga, cinwaankaaga, lambarkaaga telefoonka, iyo cinwaankaaga iimaylka
- Macluumaadka dakhliga iyo tirada dadka ka tirsan qoyskaaga
- Xogta shakhsieed oo ay ku jiraan taariikhda dhalashadaada, isirkaaga iyo qowmiyaddaada, iyo jinsigaaga r
Haddii aad u qalanto, qof ayaa telefoonka kaa soo wici doona si uu kuugu xiro sharciyaqaan ka socda Mashruuca Caddaaladda ee Northwest (Northwest Justice Project) ama bixiyaha adeeg sharci oo kale oo laga yaabo inuu joogo deegaankaaga.
Hel caawimaadda bixinta kirada
Haddii kiradu ay kugu baaqatay, mulkiilaha gurigaaga waa inuu ku siiyo qorshe kharash bixin waxaadna u qalmi kartaa caawimaadda kirada.
Caawimaadda kirada waxaa loogu talagalay inay caawiso qof kasta, ayadoo aan la eegayn inuu yahay muwaadin ama xaaladiisa muwaadinnimada. Codsashada kaalmada kirada ma waxyeellaynayso codsi kasta oo socdaal oo aad xarayso. Booqo Washington Law Help, oo ogeysii bulshada wax ku saabsan caawimaadda sharciyeed ee kireysteyaasha.
Dad badan la wadaag farriinta
Wadaag qoraalada baraha bulshada iyo wax badan oo laga helo Xirmadan Qalabka ee Guri Ka Saarista, oo ogeysii bulshada wax ku saabsan caawimaadda sharciyeed ee kireysteyaasha.
Hel macluumaad dheeraad ah
Booqo Washington Law Help si aad u hesho xog sharci oo lacag la’aan ah, foomamka sharciga ee isdhexgalka leh, xirmooyinka iscaawinta iyo fiidiyowyaal ka caawiya kireysteyaasha sidii ay u fahmi lahaayeen xaquuqdooda iyo xulashooyinkooda inta lagu jiro hannaanka guri ka saarista.